Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa isku dayay in uu joojiyo shir ay qorsheynayaan xildhibaanno isku magacaabay “Xildhibaannada Xorta ah”, kuwaas oo ka mid ah mudanayaal horay looga ganaaxay ka qeybgalka kulamada labada Aqal ee Baarlamaanka.
Xildhibaannadan ayaa qorsheynaa in maanta shir ku yeeshaan Hotel Jazeera oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Go’aanka taliska ayaa yimid kaddib markii xalay hotelka uu tegay taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, kaas oo maamulka hotelka ku wargeliyay in aan la oggolaan karin qabashada shirar noocaas ah. Ilo ku dhow hotelka ayaa u sheegay warbaahinta in maamulka uu ka dalbaday taliska warqad rasmi ah oo lagu joojinayo shirka, iyagoo sheegay in amar afka ah uusan ku filneyn in lagu baajiyo kulanka la qorsheeyay.
Sidoo kale, ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in weli laga sugayo warqad rasmi ah oo ka timaadda Hoggaanka Booliska Gobolka Banaadir, taas oo caddeyneysa mowqifka rasmiga ah ee taliska.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo isdaba joog ah, kuwaas oo la xiriira khilaafaadyo iyo kala aragti duwanaansho ka dhex jira mas’uuliyiinta iyo xildhibaannada qaarkood.






