Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Boliiska Degmada Hodan, ayaa soo xiray eedeysanayaal lagu magacaabo Yuusuf Xasan Cali (Yuu Boss) iyo Mahad Maxamuud Xamarow oo loo yaqaano ( Garyaqaan ), kuwaas oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha falal la xiriira kicin dadweyne iyo qalqalgelin amni.

War rasmi ah oo ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in eedeysanaasha la soo qabtay kadib howlgallo amni oo ay fuliyeen ciidamada. Booliisku waxayna xaqiijiyeen in eedeysanayaasha si buuxda loo baarayo, isla markaana loo gudbin doono Maxkamadaha Awoodda u leh si sharciga loo mariyo.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nabadgelyada muwaadiniinta iyo ka hortagga fal kasta oo halis gelin kara amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Booliisku waxay mar kale ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, ayna si degdeg ah ula xiriiraan xafiiska gurmadka ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed haddii ay la kulmaan ama arkaan falal lid ku ah amniga.