Buuq iyo jahwareer ayaa saaka ka taagan furitaanka kulanka maanta ee Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanada mucaaradka ay si xooggan u diideen hab-socodka kulanka.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Federaalka ayaa gudaha loo geliyay Xarunta Villa Hargeysa, arrintaas oo sii hurisay xiisadda, iyadoo baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo muujinaya muran iyo isqabqabsi dhexmaray ciidamada iyo Xildhibaanno.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanada mucaaradka gaadiidkooda lagu celiyay barta koontaroolka ee isgoyska dabka, taasoo sababtay caro iyo buuq hor leh.

Xaaladda guud ee goobta ayaa weli ah mid kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafku sii ballaarto, haddii aan si degdeg ah xal loogu helin.