Waxaa maanta mar kale laga cabsi qabaa in buuq iyo gacan ka hadal ka dhasho kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada labada Aqal ayaa maanta yeelanaya Shirkii Saddexaad, kaas oo ajandihiisu yahay wax ka beddelka Dastuurka, kaddib markii labadii fadhi ee hore ay fashilmeen, iyadoo aan maanta la dareemayn rajo badan oo ku aaddan in kulanku si nabad ah u qabsoomo.
Kulankan maanta waxaa shir-guddoomin doona Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.
Inta badan xildhibaanada mucaaradka ah ayaa horay looga ganaaxay ka qeyb-galka kulamada soo socda, inkastoo ay jiraan xildhibaano kale oo ku hanjabay in ay hor istaagi doonaan kulanka, taas oo sii kordhinaysa walwalka laga qabo in mar kale ay dhacaan qalalaase iyo gacan ka hadal.
Dowladda iyo hoggaanka Baarlamaanka ayaa weli ku adkeysanaya in wax ka beddelka Dastuurka uu yahay arrin muhiim u ah mustaqbalka dalka, balse mucaaradku waxay sheegayaan in aan la helin wadatashi buuxa iyo hannaan hufan.






