Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Ciidamada Cirka Turkiga ayaa haatan wada roondooyin hawada sare ah, kuwaas oo ka socda waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah ee hawada dalka.

Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in waqtiyadii hore ay jireen diyaarado si qarsoodi ah ku soo geli jiray hawada Soomaaliya, gaar ahaan gobollada waqooyi, kuwaas oo siday qalab ciidan iyo mid siyaasadeed, iyaga oo adeegsanaya xog marin-habaabin ah oo ku saabsan duulimaadyada ka baxayay garoomada Berbera, Boosaaso iyo Hargeysa.

Si ay uga dhuuntaan kormeerka Ciidamada Cirka Soomaaliya, diyaaradahaasi ayaa la sheegay inay marar badan soo mari jireen dhanka Itoobiya, ka hor inta aysan soo gelin hawada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in diyaaradaha wax tahriibiya ay damin jireen nidaamyada la socodka duulimaadyada (flight tracking systems) marka ay galaan hawada Soomaaliya, si aan loo ogaanin halka ay u socdaan.

Warbixintu waxay xustay in duulimaadyadan qarsoodiga ah loo adeegsan jiray qaadista shixnado ama gaadiidka shaqsiyaad siyaasadeed oo ku wajahan magaalooyinka Hargeysa ama Boosaaso, kuwaas oo mararka qaar loo sii gudbin jiray Berbera.

Qiimeyn la sameeyay ayaa muujinaysa in roondooyinka hawada ee ay wadaan diyaaradaha F-16 ay si weyn u yareyn karaan, isla markaana ka hortagi karaan dhaq-dhaqaaqyada qarsoon ee hawada Soomaaliya.