Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 163-aad iyo cutubyo ka tirsan Qaybta 27-aad, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Alshabaab ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo dhammaantood hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa ka dhacay deegaannada kala ah: Isgoyska Cusmaan Indhoole, Ganarubad, Inabaale, Cadiimo Xasan Raqay iyo Qoryo-qaad, halkaas oo Alshabaab ay ku lahaayeen fariisimo ay ku dhibaateyn jireen shacabka deegaanka.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta goobahaasi, isla markaana ay xaqiijiyeen amniga guud ee deegaannada la xoreeyay.
Intaas kaddib, ciidamada ayaa bilaabay howlgallo baaris iyo sifeyn ah oo lagu baacsanayo laguna ciribtirayo haraadiga Alshabaabka ku dhuumaaleysan kara dhulka miyiga ah.
Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd in laga saaro Alshabaab meelaha ay ku dhuumaaleysanayeen, si loo sugo nabadgelyada loogana hortago weerarro ay ku beegsan karaan shacabka iyo xarumaha dowladda. Tallaabadan ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo amniga guud ee gobolka Hiiraan.
Maamulka degmada Maxaas iyo saraakiisha ciidamada ayaa ugu baaqay shacabka deegaanka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta sugidda nabadda iyo xasilloonida.
Howlgalladan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ugu jiraan xoreynta iyo sugidda amniga deegaannada ay weli ku harsan yihiin maleeshiyaadka Alshabaab.






