Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Teedaan, oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaddib howlgal amni oo si qorsheysan loo fuliyay.
Howlgalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay boqolaal askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo watay gaadiidka dagaalka, islamarkaana si buuxda u galay deegaanka, kaddib markii ay Al-Shabaab isaga baxeen halkaasi, iyaga oo awoodi waayay inay iska caabiyaan ciidamada dowladda.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in howlgalkan uu qeyb ka yahay Howlgalka Duufaanta Aamusan, oo ka socda gobollo kala duwan oo dalka ah, kaas oo lagu beegsanayo fariisimaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa sidoo kale u sii gudbay deegaanno kale oo ku teedsan Teedaan, si loo xaqiijiyo amniga guud loogana hortago in Al-Shabaa dib ugu soo laabtaan halkaasi.
Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa tilmaamay in howlgallada ka socda gobolka Hiiraan ay si xiriir ah u soconayaan, isla markaana la filayo in deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaasi ay dhawaan si buuxda gacanta ugu soo dhacaan ciidamada dowladda.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso inay ku cirib tirto Al-Shabaab, isla markaana dib loogu soo celiyo nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee dalka.






