Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Raage Ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalladan ayaa waxaa fuliyay Ururka 10-aad ee Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliye ku-xigeenka Guutada 18-aad, Col. Khadar Axmed Cabdi.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaannada hoostaga Raage Ceele.

Howlgallada ayaa si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Gayfo, Boscadur iyo Yonbar oo dhaca waqooyiga degmada Raage Ceele. Ciidamada ayaa sameeyay miino baaris iyo hubin amni oo lagu sameeyay waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah si looga hortago khataraha ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku abuuri karaan shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa tilmaamay in ujeeddada ugu weyn ay tahay xaqiijinta amniga dadka rayidka ah, sugidda nabadgelyada, iyo xasilinta guud ee deegaannadaasi.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa sii wada howlgallada noocan oo kale ah, iyagoo kaashanaya shacabka deegaanka si loo adkeeyo amniga loogana hortago falal amni darro oo wax u dhimi kara nolol maalmeedka bulshada.