Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyootay, siddeed kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay maanta howlgallo burburin ah ka fuliyeen xaafado ku yaalla waqooyiga magaalada Muqdisho.
Howlgalkan ayaa ka dhacay xaafadaha Buulo Maaxaay ee degmada Kaaraan iyo Alcadaala oo ka tirsan degmada Hiliwaa, halkaas oo la sheegay in guryo ay deganaayeen dad shacab ah la burburiyay si dad Ganacsato ay dowladdu siisay looga iibsado.
Sida ay sheegeen goobjoogayaal, ciidamada howlgalka fulinayay ayaa isugu jiray kuwa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidamada Booliska Milatariga, iyagoo watay cagafyo loo adeegsaday duminta guryaha.
Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay ka horyimaadeen howlgalka, iyagoo dhigay bannaanbax isla markaana dhagxaan ku tuuray ciidamada si ay uga hortagaan burburinta guryahooda.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamada ay rasaas fureen, taasoo sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawaca siddeed kale. Dhaawacyada ayaa la geeyay xarumo caafimaad si loogu dabiibo.
Xaaladda xaafadaha ay wax ka dhaceen ayaa la sheegay inay weli kacsan tahay, iyadoo cabsi laga qabo inay dib u soo cusboonaato rabshaddu haddii aan xal laga gaarin muranka ka dhashay burburinta.






