Maamulka iyo saraakiisha ciidanka ee degmada Buur Hakaba ayaa kulan la qaatay taliska ciidanka Midowga Afrika (AUSSOM) ee fariisinka ku leh degmada, iyagoo kala hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadda kala dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed Eee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dejinta xaaladda amni iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada-hadal oo miro-dhal ah, si loo yareeyo khilaafka taagan. Ilo wareedyo ku dhow dhinacyada wada-hadallada ayaa sheegaya in la isku dayay in la isu soo dhoweeyo aragtiyada kala fog, hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ay si wadajir ah u soo saareen labada dhinac.

Wararka laga helayo degmada ayaa tilmaamaya in waanwaanta ay weli socoto, balse aanay weli gaarin heer laga gaadhay is-afgarad rasmi ah. Taliska AUSSOM ayaa la sheegay inuu door ka qaadanayo fududeynta wada-hadallada, maadaama uu ka mid yahay hay’adaha ka shaqeeya sugidda amniga iyo xasilloonida deegaannada uu ku sugan yahay.

Bulshada ku dhaqan Buur Hakaba ayaa muujisay walaac ku aaddan sii socoshada xiisadda, iyagoo rajo ka qaba in dadaallada socda ay horseedi doonaan xal nabadeed oo lagu soo afjaro khilaafka.