Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la magac baxay Ilaalo Qaran, ayaa maanta xirtay waddada isku xirta Haanta Dheer iyo Argada Dayniile, gaar ahaan agagaarka Xerada 77, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan muddo dheer haysatay.
Ciidamadan ayaa sheegay in ay jiraan askar aan wax mushaar ah qaadan 9 bilood ilaa hal sano, isla markaana xuquuqdoodii shaqo si buuxda looga duudsiyay.
Qaar kamid ah askarta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay si isdaba-joog ah cabashooyin u gudbiyeen hay’adaha ay quseyso, balse aan wax jawaab ah laga helin.
“Waxaan nahay ciidamo qaran oo dalkooda u shaqeeya, balse muddo ku dhow sanad ayaan mushaar la’aan nahay. Xuquuqdeena waa la duudsiiyay, mana jirto cid naga jawaabtay,” ayuu yiri mid kamid ah askarta cabanaya.
Ciidamadu waxay sidoo kale ka digeen in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban cabashadooda, ay xiri doonaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, taasoo saameyn ballaaran ku yeelan karta isku socodka magaalada iyo hawlaha guud.
Xiritaanka waddadan ayaa hakad geliyay isu-socodka gaadiidka iyo shacabka, iyadoo goobta ay haatan ka jirto xaalad kacsan.
Ilaa iyo hadda, ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka ama Taliska Ciidamada oo ku aaddan arrintan.






