Ciidamo ka socda dalka Turkey oo ka howlgala Somalia ayaa lagu arkay saldhigga Qorilow iyo deegaanka Bashaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo wata gaadiid gaashaaman, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Goobaha la arkay ciidamadan ayaa hore uga howlgali jiray ciidanka Gorgor, kuwaas oo tababar iyo taageero ka hela Turkiga. Wararka ayaa intaas ku daraya in deegaannadaas loo qorsheeyay horumarinta garoon diyaaradeed cusub iyo dekad, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalka ama heerka uu marayo mashruucaasi.

Ilaa hadda ma cadda in joogitaanka ciidamadan uu ku egyahay kormeer iyo la-talin la xiriirta mashaariicda la qorsheeyay, ama in ay qorsheynayaan inay saldhigyo rasmi ah ka sameystaan halkaas. Dowladda federaalka ayaan weli ka hadlin wararka ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ciidamadan.

Dhawaan ayay ahayd markii warar soo baxay ay sheegayaan in ciidamo Turkiga ka socda ay ka qeyb galeen dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee isla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xiriirka milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa soo jiray sannado badan, iyadoo Turkigu uu door muuqda ka qaatay tababarka iyo qalabeynta ciidamada dowladda, gaar ahaan cutubyada sida Gorgor.