Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay utagoo gudanaya waajibaadkooda sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka inay xalay gacanta kusoo dhigeen eedysane lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, kaasoo lagu tuhunsan yahay inuu qeyb ka ahaa falal liddi ku ah amniga qaranka.
Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga, laguna baacsanayo shaqsiyaadka ku lugta leh falalka qalqal gelinaya nabadgelyada guud ee dalka. Ilo amni ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha hadda lagu hayo xarun amni, islamarkaana ay ku socoto baaritaan qoto dheer oo lagu ogaanayo eedaha loo haysto iyo cid kasta oo ku lug leh falalkaas.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa adkeeyay in cid kasta oo lagu helo falal ka dhan ah amniga dalka lala tiigsan doono sharciga, ayna sii wadi doonaan howlgalada lagu sugayo xasilloonida iyo kala dambeynta.
Ciidanka ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, islamarkaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo ka caawin karta la dagaallanka falalka amni-darrada ah.






