Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo u dhacay si guul ah ku soo afjaray nolosha Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo magaciisa afgarashadu ahaa Cabdullaahi Wadaad, kaddib markii lagu beegsaday howlgal laga fuliyay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 23-kii bishan.
Cabdullaahi Wadaad waxa uu hadda ahaa horjoogaha guud ee Khawaarijta u qaabilsanaa dhinaca maaliyadda, isaga oo mas’uul ka ahaa uruurinta iyo maareynta dhaqaalaha baadda ah ee cadowgu sida sharci-darrada ah uga qaadi jireen shacabka Soomaaliyeed.
Dhagar-qabe Cabdullaahi Wadaad waxa uu horay u soo noday horjoogaha waxa ay Khawaarijtu ugu yeeraan “Sakawaadka”, ee gobollada Shabeellaha Hoose iyo Banaadir. Intii uu howshaas ku jiray, waxaa lagu xusuustaa tacaddiyo badan oo uu kula kacay ganacsatada Soomaaliyeed iyo boob baahsan oo uu u geystay muwaadiniin Soomaaliyeed.
Hay’adda NISA oo muddo dheer ku raad-joogtay horjoogahan ku naaxay hantida iyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed, ayaa horay bulshada Soomaaliyeed ula wadaagtay sawirkiisa iyo macluumaadkiisa. Maanta, Alle mahaddiis, waxaa bulshada Soomaaliyeed laga dul qaaday dhibkii iyo khatartii uu ku hayay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed, waxaa ka go’an ciribtirka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ee caadeystay baadda, boobka, iyo falalka lidka ku ah amniga iyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.








