Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), oo kaashanaya Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan kuwa Uganda, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta deegaanada Mubaarak iyo Daarusalaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan oo qayb ka ah howlgalada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa lagu qaaday deegaannadaas saacadihii hore ee saaka, waxaana la sheegay in ciidamada huwanta ay si buuxda ula wareegeen fariisimihii ay ku sugnaayeen kooxaha nabad-diidka ah.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu guuleystay in maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa laga saaro deegaanadaasi, iyadoo haatan ay ciidamada wadaan howlgallo xaqiijin iyo baaritaanno amni oo lagu sugayo xasilloonida.
Ciidanka XDS ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid sii xoojinaya dadaallada lagu sugayo amniga guud ee dalka, laguna ciribtirayo khatarta ay kooxaha Al-Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale adkeeyay in howlgaladu ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa, xasilooni iyo nabad waarta oo ka hanaqaadda deegaannada laga xoreeyay iyo guud ahaan dalka.







