Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa fuliyey howlgal amni oo si qorshaysan loo diyaariyey, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Waabweyn ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday gaari booyad ah oo ay adeegsanayeen Ururka Al-Shabaab, kaas oo xilliga la weerarayay biyo ka qaadayay deegaanka Waabweyn, kadibna ku sii jeeday mid kamid ah goobaha gabaadka u ah kooxdaasi.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyey in Gaarigii booyadda ahaa si buuxda loo burburiyey, isla markaana Khasaare xooggan lagu gaarsiiyey maleeshiyaadkii la socday.

Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo haraadiga Ururka ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Waxay intaas ku dareen in howlgallada amniga ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni iyo xasillooni buuxda deegaannada gobolka.

Howlgaladan ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku doonayaan in ay ciribtiraan Al-Shabaab, isla markaana dib u soo celiyaan amniga iyo kala dambeynta dalka.