Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoostaga Moorigaabey, oo ka tirsan degmada Xuddur, xarunta gobolka Bakool.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, hawlgalkan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanadaasi, kana mid ahaa kuwa dhibaatooyinka u geysanayay shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka ayaa lagu guuleystay in laga hortago dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadkaasi, waxaana ciidanku gacanta ku dhigeen gaari nooca mooto sedex lugood leh oo ay isticmaalayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha CXDS ayaa sheegay in howlgaladu sii socon doonaan, isla markaana la xoojinayo amniga guud ee gobolka Bakool, si loo ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyn, taliska ciidanku waxa uu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana soo gudbiyaan xog kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.