Kumaandooska Danab Ururka 163-aad, Guutada 16-aad oo kaashanaya Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada Cadiimo iyo Dhaaye-Dhebe ee hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo ku saleysnaa xog sirdoon oo la helay ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay falal amni darro ah. Ciidamada ayaa ku guuleystay inay burburiyaan miinooyin iyo walxo qarxa oo lagu aasay waddooyinka, kuwaas oo lagu doonayay in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay si xirfad leh u xaqiijiyeen amniga goobihii laga fuliyay howlgalka, isla markaana ay ka hortageen khataro waaweyn oo halis gelin lahaa nolosha dadka rayidka ah.

Shacabka ku nool deegaannada Cadiimo iyo Dhaaye-Dhebe ayaa si diirran u soo dhaweeyay ciidamada, iyagoo muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida gobolka.

Howlgallada sifeynta ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa la sheegay inay sii socon doonaan, si loo xaqiijiyo nabadgelyo buuxda loogana hortago isku dayo kale oo lagu carqaladeynayo amniga bulshada