Dhaqaatiirka Caafimaadka ee Sacuudiga ayaa Malintii Khamiista ahayd si guul leh u kala soocday ama u kala Fujisay laba canug oo Somali ah laguna kala Magaca, Rahma iyo Ramla, Kadib qalliin adag oo qaatay 12 saacadood oo xiriir ah oo ka dhacay magaalada Riyadh.

Qalliinka ayaa lagu qabtay Isbitaalka Gaarka ah ee Caruurta ee King Abdullah. Waxay howshu ku dhacday siddeed weji, iyadoo ka qayb qaateen 36 lataliye, takhasusleyaal iyo shaqaale farsamo oo ka kala yimid qeybaha qalliinka carruurta, neerfaha, lafaha, urology-ga, iyo qalliinka indhaha iyo maqaarka, waxaana taageeray koox gaar ah oo ka kooban kalkaaliyeyaal iyo shaqaale farsamo.

Dr. Abdullah Al Rabeeah, kormeeraha Guud ee Xarunta Gargaarka Bani’aadamnimo ee King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre iyo madaxa kooxda qalliinka iyo hawlaha guud ee barnaamijka, ayaa sheegay in kala-soocidda Rahma iyo Ramla ay tahay qalliinkii 68aad ee guulaha leh ee barnaamijku fuliyo.

Dr. Al Rabeeah ayaa intaas ku daray in 35-kii sano ee la soo dhaafay, barnaamijku uu daryeelay 156 carruur isku-xiran oo ka kala yimid 28 dal, taasoo muujineysa kaalinta hormuudka ah ee Sacuudi Carabiya ka ciyaarto mashaariicda bani’aadamnimo iyo caafimaadka.

Waxa uu xusay in guulaha noocan oo kale ahi ay ka tarjumayaan ka go’naanta Boqortooyada ee qiyamka bani’aadamnimo iyo dadaallada joogtada ah ee lagu bixiyo daryeel caafimaad oo caalami ah.