Wararka laga helayo gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku waramaya in dagaal uu ka socdo duleedka degmada Warsheekh.
Maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in weerarka ku biloowday qaraxyo ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowlada ay ku leeyihiin duleedka Warsheekh, waxaana halkaasi ka qaraxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidmaada dowladda iyo maleeshiyada weerarka soo qaaday iyadoona la maqlayo rasaas xoogaan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ee soo kala gaaray labada dhinac madaama uu wali dagaalka socdo.
Ciidamada dowladda ayaa howlgallo xoogan oo kooxaha argagixisada looga saarayo guud ahaan dalka gobollada dalka iyadoona kooxda Alshabaab ay mararka qaar weeraro dhuumaaleysi ah kusoo qaado xarumaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobollada dalka.
Alshabaab ayaa iminka u muuqata koox awood ahaan sii liiceysa marka laga soo tago weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah ee ay mararka qaar fuliso.






