Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu wali ka socdo deegaanka Yurkud ee Gobolka Gedo, kaas oo saakay aroortii hore ka bilowday halkaasi.
Dagaalka ayaa u dhexeeya laba beelood oo wada dega deegaanka, waxaana si xooggan loo maqlayaa dhawaqa rasaasta iyo hubka culus ee ay labada dhinac isweydaarsanayaan.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, dagaalka ayaa si kedis ah u qarxay, wuxuuna saameyn ku yeeshay noloshii caadiga ahayd ee shacabka ku nool halkaasi, iyadoo dad badan ay ka barakaceen guryahooda.
Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse wali lama helin tiro rasmi ah oo la xaqiijiyay, sababo la xiriira xaaladda amni ee goobta oo kacsan.
Laamaha amniga iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku howlan dadaallo lagu kala dhexgalayo labada dhinac, si loo joojiyo colaadda, inkastoo ilaa hadda aan lagu guuleysan in si buuxda loo xakameeyo dagaalka.
Labadan beelood ayaa horay dhowr jeer ugu dagaalamay aagga Luuq Ganaane, iyadoo marar badan la xaliyay khilaafkooda, balse colaadda ayaa mar kasta dib uga soo cusboonaata halkaasi.






