Dagaal xooggan oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay deegaanka Shidan oo hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in iska horimaadku uu qarxay saaka aroortii hore, islamarkaana uu socday muddo saacado ah, iyadoo la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Amniga ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa lagu sheegay in abaare 8:30 subaxnimo ay “ciidamo ka amar qaata Somaliland” weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen dad deegaanka ah oo ku yaalla Shidan.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana uu abuuray xiisad iyo barakac ku yimid qaar kamid ah dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa cambaareeyay weerarka, kuna tilmaamay mid gardarro ah, iyagoo sheegay in ay difaaci doonaan dadka, deegaanka iyo diintaba. Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in mas’uuliyadda colaadda ay dusha ka saareen maamulka Somaliland.

Wararka laga helayo Shidan ayaa sheegaya in xaaladdu weli kacsan tahay, inkastoo dagaalku joogsaday duhurnimadii maanta. Lama hayo illaa hadda tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda, isla markaana xal nabadeed laga gaaro xiisadda ka taagan aagga.