Diyaarad siday xildhibaanno deegaan doorashadoodu tahay Puntland, kana tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa dib loogu celiyay magaalada Muqdisho wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in diyaaradda ay si caadi ah uga kacday garoonka, balse amar degdeg ah lagu siiyay in ay ku soo laabato caasimadda. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha dowladda oo sharaxaya sababta keentay dib-u-celinta diyaaraddaasi.

Xildhibaannada saarnaa diyaaradda ayaa la sheegay inay ku sii jeedeen deegaanadooda, hase yeeshee safarkooda ayaa hakad galay kadib amarka lagu soo celiyay. Ilo wareedyo ku dhow xildhibaannada ayaa tilmaamaya in aysan jirin wax qalad farsamo ah oo ku yimid diyaaradda, taasoo sii xoojisay su’aalaha la xiriira sababta rasmiga ah ee tallaabadan.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee ay soo baxaan warar ku saabsan hakinta ama dib-u-celinta diyaarado siday siyaasiyiin ka aragti duwan dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS). Marar hore ayaa la soo wariyay in amarro la mid ah lagu joojiyay safarro ay lahaayeen mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin.