Wararka laga helayo magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Imaaraadka carabta ay halkaasi hub geeyeen.
Markab lagu magacaabo PIONEER EAGLE, oo ay maamusho shirkadda Allianz Middle East Ship Management kana diiwaangashan Imaaraadka Carabta (UAE), ayaa ka soo shiraacday dekedda Fujairah, iyada oo martay dekedaha Berbera iyo Boosaaso, haatanna dib ugu soo laabanaya dekedda Berbera ee Somaliland.
Ilo wareedyo hoose ayaa Banaadir24 u sheegay in hub ku jiray konteenarro laga dejiyay markabka xilli uu ku sugnaa dekedda magaalada Boosaaso, kaddibna loo qaaday saldhigga Ciidamada PMPF oo ah ciidamada Badda Puntland.
Imaaraadka Carabta ayaa Somalia kawada qorsheyaal uu iskaga horkeenayo maamul goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka xilli dhawaan ay dowladda federaalka Xiriirka u jartay Imaaraadka Carabta.






