Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Barlamaanka oo lagu soo eedeyay inuu ku tuntay Sharciga, iyo awoodda Golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku eedeeyay Aadan Madoobe inuu xadgudubyo joogta ah ku haayo dastuurka iyo xeer hoosaadyada.

Adan Madoobe ayaa qarka u saaran yahay in xilka laga tuuro haddii xildhibaanada ay ku adkeystaan mooshinkooda oo aan lakala furfurin.