War goor dhoweyd nagasoo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble laga hor istaagay xarunta Xalane ee ku dhex taala garoonka diyaaradaha Aadan Caddr ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka xarunta Xalane ayaa la xaqiijiyay in Rooble iyo ilaaladiisaba ay u diideen inuu galo xarunta isla markaana ay dib usoo celiyeen.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonayay inuu galo xarunta Xalane si uu ula kulmo Madaxweynayaasha Puntland iyo Juballand oo halkaasi ku sugan.

Lama garanayo sababta loogu diiday Rooble inuu galo xarunta Xalane iyo cida bixisay amarka loogu diiday.

Wiixi kusoo kordha kala soco Banaadir24 Online.