Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xilka uga qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Odowaa Yuusuf Raage, oo hore laba jeer u soo noqday taliyaha ciidamada milateriga, ayaa lagu beddelay sarkaal da’ yar oo lagu magacaabo Ibraahin Maxamed, kaas oo haatan loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababaha ka dambeeya isbeddelkan hoggaamineed.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato hoggaanka iyo istaraatiijiyadda ciidamada dalka.

Taliyaha cusub, Ibraahin Maxamed oo hadda ahaa taliyaha hoggaanka Ciidamada, ayaa lagu tilmaamay sarkaal firfircoon oo leh waayo-aragnimo ciidan, waxaana la filayaa inuu dardar geliyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Isbeddelkan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad muhiim ah oo dhanka amniga ah, iyadoo dagaal adag lagula jiro kooxaha argagixisada iyo dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidanka qaranka.

Waa Sawirka Taliyaha Cusub ee Ciidanka xoogga dalka