Xildhibaanada Baralamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya kaddib markii labada Aqal ay muddo ka shaqeynayeen dib-u-eegista iyo sixidda qodobbada lagu muransanaa.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen mudaneyaasha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa lagu sheegay mid taariikhi ah, iyadoo cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay qodobbo muhiim ah oo la xiriira hannaanka dowlad-dhiska, awood-qeybsiga, iyo xoojinta nidaamka federaalka.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in wax-ka-beddelkan uu yahay mid lagu dhammeystirayo dastuurka ku-meelgaarka ah, isla markaana uu horseedi doono hufnaan sharci iyo kala dambeyn siyaasadeed. Waxa ay sidoo kale xuseen in geeddi-socodku uu maray marxalado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen la-tashiyo, dooddo furan iyo akhrinno dhowr ah.






