Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si kulul uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabo halis ku ah amniga, dhaqaalaha iyo xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Al Jazeera, Wasiir Ayuub ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil uusan ahayn mid siyaasadeed oo kaliya, balse uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu doonayo in dib loogu qaabeeyo marinnada ganacsiga ee Badda Cas, si ay ugu adeegaan danaha Israa’iil.

Wasiirku wuxuu sheegay in waxa socda ay muujinayaan isku day ay Israa’iil ku doonayso inay ku yeelato saameyn toos ah marinnada muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah.

“Waxaan ku jirnaa xaalad la isku dayayo in dib loo qaabeeyo marinnada ganacsiga ee Badda Cas, si ay ugu adeegaan danaha Israa’iil, taas beddelkeedana ay halis u noqdaan amniga dadka ku nool gobolka iyo dhaqaalahooda,” ayuu yiri Wasiir Ayuub.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Badda Cas ay tahay marin ganacsi oo muhiim u ah dunida, isla markaana isbeddel kasta oo lagu sameeyo qaabkeeda ama cidda maamusha uu saameyn weyn ku yeelanayo dalalka ku teedsan iyo guud ahaan dhaqaalaha caalamka.

Wasiirka Hawlaha Guud ayaa si cad u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba aqbaleyn go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland.

Wuxuu xusay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aan la aqbali karin in dal shisheeye uu go’aan ka gaaro arrin ka baxsan xeerarka caalamiga ah iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

“Go’aanka Israa’iil waa mid aan sharciyad lahayn, kana hor imaanaya midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka.

Hadalka Wasiirka Howlaha Guud ayaa kusoo beegmaya, xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siweyn uga dagaalantay Go’aankii ay Israa’iil ku sheegtay inay dal ugu aqoonsatay Somaliland oo aaminsan inay ka Go’day Soomaaliya inteeda kale.