Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay kulan muhiim ah la yeelato wakiillada beesha caalamka, shirkan oo ay codsatay dowladda.

Kulanka ayaa waxaa dowladda ku meteli doona Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Jaamac, iyo xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Dhinaca beesha caalamka, waxaa shirka ka qeyb geli doona safiirrada dalalka iyo hay’adaha ku mideysan madasha C6+, kuwaas oo si dhow ula socda geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro ismari-waa siyaasadeed oo ka taagan wax-ka-beddelka Dastuurka iyo nooca doorasho ee dalka la gelinayo. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha shirka maanta.

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee cakiran, doorka beesha caalamka ee xal u helidda khilaafaadka jira, iyo sidii loo dardargelin lahaa wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in shirka qeyb ka noqon doonaan arrimaha bani’aadannimo, gaar ahaan xaaladda abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka, iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada caalamiga ah ee la xiriirta gurmadka iyo horumarinta.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada kulanka ku saabsan qodobada kama dambaysta ah ee laga wada hadli doono, balse waxaa la filayaa in kulankan uu saameyn ku yeesho jihada siyaasadeed ee dalka maalmaha soo socda.