Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay Maraykanka siiso saldhigyo ciidan isla markaana u ogolaato ka faa’iidaysiga macdanaha qaaliga ah ee dalka ku jira, sida uu sheegay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad.
Wasiirka ayaa arrintan ku sheegay waraysi uu siiyey wakaaladda wararka dhaqaalaha ee Bloomberg, isagoo xusay in Soomaaliya hore heshiisyo difaac ula gashay Maraykanka, gaar ahaan sannadkii 1980-kii xilligii xukuumaddii Kacaanka, markaas oo Washington loo ogolaaday inay la wareegto saldhig milatari iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.
Cali Balcad ayaa tilmaamay in xukuumadda hadda jirta ay doonayso in Maraykanku mar kale ku soo laabto magaalada Berbera, isla markaana uu maalgelin ku sameeyo kana faa’iidaysto macdanaha qaaliga ah ee Soomaaliya laga helo.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo ay hore u jirtay war ay baahisay wakaaladda wararka ee Agence France-Presse (AFP), taas oo lagu sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland uu caddeeyey in Somaliland diyaar u tahay inay Maraykanka siiso saldhig milatari.
Soomaaliya ayaa hore Maraykanka ugala hadashay arrimo la xidhiidha magaalada Berbera, balse ilaa hadda wax jawaab rasmi ah lagama helin dhinaca Washington.
Arrintan ayaa muujinaysa tartan diblomaasiyadeed oo ku saabsan saldhigyada milatari ee gobolka, iyadoo magaalada Berbera ay leedahay istaraatijiyad muhiim ah marka la eego marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.






