WAA SAWIRKA WASIIRKA GAASHAANDHIGGA SOOMAALIYA

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa si kulul uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo sheegay in aan la aqbali doonin “afduub siyaasadeed” oo lagu hayo dalka iyo hannaanka doorashooyinka.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, Wasiir Fiqi ayaa ku bilaabay: “Roori doone hortiis lama rooroi!” isaga oo ku eedeeyay siyaasiyiin mucaarad ah in ay si ula kac ah u carqaladeeyeen wadahadallo lagu doonayay in xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in kulammo kala duwan ay qabteen mucaaradka, kuwaas oo ay ku jireen shirar ka dhacay Kismaayo, hoteellada ku yaalla Xerada Xalane, iyo Villa Somalia. Wuxuu xusay in dowladda ay aqbashay dalabyo iyo tanaasulaadyo kala duwan si loo fududeeyo wada-hadalka, balse ay jireen, sida uu sheegay, falal buuq, qaylo iyo qalalaase watay oo lagu hor istaagay geeddi-socodka.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in laba wareeg oo wadahadal ah oo saacado badan qaatay kaddib ay mucaaradku ku dhawaaqeen in shirkii fashilmay, isaga oo ku eedeeyay in qaarkood ay horey u qorsheysteen fashilinta kulamada.

Wasiir Fiqi ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda loo dhaariyay mas’uuliyadda dalka, islamarkaana aysan oggolaan doonin in siyaasadda iyo doorashooyinka lagu sii hayo gacan ku hayn gaar ah.

Wuxuu yiri: “Sida afduubka Khawaarijta shacabka looga xoreeyey ayaa looga xoraynayaa siyaasiyiinta raba in ay afduubka ku sii haystaan siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.”

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli ay dalka ka taagan yihiin dooddo xooggan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo dowladda ay ku celcelisay in ay ka go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku dhisan mabda’a qof iyo cod.