Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo qorsheysan, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in laba ka mid ah la dilay, halka laba kalena nolosha lagu qabtay.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay qaraxyo iyo walxo kale oo halis ah, kuwaas oo Al-Shabaab qorsheynayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool deegaankaas. Intaa waxaa dheer, hawlgalka ayaa lagu burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku dhuumanayeen, kuwaas oo halis ku ahaa nabadgelyada dadka.

Saraakiisha hoggaamineysay hawlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu ay ahayd in laga hortago falal amni-darro oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka, ayna sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab ilaa laga xaqiijinayo amniga guud.

Ugu dambeyn, hawlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ugu jiraan sugidda nabadda iyo xasiloonida dalka.