Degaanka Qansaxle oo hoostaga degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa waxaa aroornimadii maanta laga helay meydka haweeney lagu magacaabi jiray Xaali, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskeeda.
Wararka ayaa sheegaya in gabadha is daldashay, iyadoo xarig iska soo laad-laadisay, looguna galay meydkeeda qolkii ay ku sugneyd.
Qaar ka mid ah eheladeeda ayaa sheegay in Xaali ay maalmihii u dambeeyay muujinaysay xaalad caafimaad iyo maskaxeed oo aan caadi ahayn. Waxay sheegeen in hadalkeedu is khilaafsanaa, isla markaana ay dareemaysay walwal iyo cabsi fara badan, taasoo walaac ku abuurtay qoyskeeda.
Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee degmada Galdogob oo ku saabsan dhacdadan, hase yeeshee bulshada deegaanka ayaa si weyn uga naxday geerida Xaali






