Xaafadaha ku teedsan Macallin Nuur ilaa Ex-Control Afgooye ee degmada Dharkenley ayaa saaka lagu xiray dhagxaan waaweyn, taasoo sababtay in gebi ahaanba la joojiyo isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

Dadkii deegaanka ayaa ku qasbanaaday inay ku dhex lugeeyaan xaafadaha, iyada oo aan jirin waddo kale oo ay maraan.

Dhowaan ayay dowladda ka qaaday dhagxaan horay ugu xirnaa qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho, balse hadda waxaa mar kale la xiray waddooyin muhiim ah oo ku yaalla jidcadyaasha Degmooyinka Dharkenley iyo Dayniile.

Illaa hadda ma jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo sharaxaya sababta tallaabadan, taasoo keentay su’aalo iyo walaac ay muujinayaan shacabka.