Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo guluf colaadeed ayaa laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaddib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay aroortii hore ee saakay bilaabeen howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in howlgalladan ay yihiin kuwo ballaaran oo si isku xiran uga socda dhowr deegaan, kuwaas oo ujeedkoodu yahay ciribtirka Xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka miyiga ah ee gobolka, kuwaas oo muddo dhibaato ku hayay amniga iyo nolosha shacabka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in cutubyo ciidan ay ku sii dhowaanayaan fariisimo ku teedsan degmada Maxaas, oo weli ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana la filayo in howlgalladu ay sii xoogaystaan saacadaha iyo maalmaha soo socda.

Dhanka kale, maalintii shalay ayay ciidamada si rasmi ah u xaqiijiyeen in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Teedaan, oo hoostaga degmada Maxaas, halkaas oo ay gudaha u galeen maalin ka hor, balse shalay ay si dhammeystiran ula wareegeen ammaanka deegaanka.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku dardargelineyso sugidda ammaanka guud ee dalka iyo ciribtirka Xubnaha Al-Shabaab ee weli ku sugan qaybo kamid ah gobollada dalka.