Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo kale.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan bahda caafimaadka, meydka ruuxa dhintay ayaa la gaarsiiyey Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale, labada qof ee dhaawacmay ayaa haatan lagu dabiibayaa isla isbitaalka, waxaana la sheegay in xaaladdoodu tahay mid degan.

Dagaalka ayaa ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha magaalada, iyadoo rasaas xooggan laga maqlayay goobta. Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay iska horimaadka, mana jirto cid si rasmi ah uga hadashay.

Xaaladda amniga goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa haatan degan, waxaana halkaasi gaaray ciidamo amni si ay u sugaan nabadda una baaraan dhacdada.

Mas’uuliyiinta iyo odayaasha dhaqanka ayaa wada dadaallo lagu xakameynayo xiisadda, si aysan mar kale u soo laaban rabshadahan.