Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii la filayay in maanta ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay Madaxda Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.
Sababta dib u dhaca ayaa lagu sheegay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay isku raaceen in shirka aan la qaban karin iyada oo uu dalka ka maqan yahay Madaxweynaha hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo la filayo inuu maanta dib ugu soo laabto Muqdisho.
Golaha Mustaqbalka ayaa xalay kulan ku yeeshay Hotel Airport ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka soo saareen saddex qodob oo muhiim ah:
In shirka dib loo dhigo ilaa maalinta Khamiista, maadaama la sugayo imaatinka Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
In maanta la casuumo xildhibaanada mucaaradka, si ay uga qeybgalaan kulan qado iyo wada-tashi ah oo hordhac u ah shirka guud.
In shirka rasmiga ah lagu qabto xerada Xalane, inkasta oo Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, oo hadda maqan, la sheegay inuu taageersan yahay in kulanka lagu qabto Villa Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in weli ay socdaan wada-xaajoodyo ku saabsan goobta rasmiga ah ee shirka, iyadoo labada dhinac ay weli ku kala aragti duwan yihiin.






