Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo eedeysane oo lagu helay falal dilal iyo qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Labada nin ee xukunka lagu fuliyay ayaa kala ahaa Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab.
Maxkamadda ayaa horay ugu xukuntay raggaan dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay inay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo sababay dhimashada muwaadiniin Soomaaliyeed oo rayid ah. Sida ay sheegeen masuuliyiinta maxkamadda, fulinta xukunka ayaa ahayd mid lagu oofinayo xadkii Qisaasta ahaa ee horey loogu riday.
Wararka ayaa intaas ku daraya in tani ay qeyb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga iyo la dagaallanka falalka argagixisada ee ka dhaca dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Maxkamadda Ciidamada ayaa horay u fulisay xukuno dil toogasho ah oo lagu riday xubno kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo ay jiraan eedeysanayaal kale oo haatan dil sugayaal ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay in ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee falalka amni darro ka wada caasimadda iyo gobollada kale ee dalka.






