Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaargarow ballaaran oo lagu soo dhaweynayo shirka la filayo in uu dhexmaro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubnaha Mucaaradka, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu helo is-afgarad ku saabsan arrimaha siyaasadda dalka.

Shirkan ayaa waxaa saldhig u ah heshiis ay gaareen xubnaha guddiyada farsamo ee labada dhinac, kuwaas oo markoodii labaad kulan yeeshay si ay u dejiyaan qorshaha guud iyo jadwalka rasmiga ah ee wadahadallada. Guddiyadaasi ayaa isla qaatay qodobbo muhiim ah oo hagaya hanaanka shirka iyo mowduucyada diiradda la saari doono.

Sidoo kale, wufuud hordhac u ah Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada ayaa ku soo wajahan caasimadda, halka qaar ka mid ah ay horey u gaareen Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in la diyaariyay goobaha ay degi doonaan mas’uuliyiinta ka qaybgalaya shirka, si loo xaqiijiyo martigelin habboon iyo ammaan.

Ilo ku dhow shirka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Mucaaradka iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada, ayaa u sheegay warbaahinta in saacadaha soo socda ay Muqdisho soo gaari doonaan xubnaha weli ka maqan caasimadda ee ku lugta leh wadahadalladan oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Waxaa la filayaa in shirka Axadda uu noqdo mid muhiim u ah jihada siyaasadeed ee dalka, islamarkaana laga rajeynayo in uu horseedo xal waara iyo is-afgarad qaran oo laga gaaro arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.