Maanta oo Jimco ah waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden Adde International Airport ka soo degtay diyaarad xamuul ah oo sida qalab millatari, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in qalabkan laga leeyahay dalka Turkey, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin nooca iyo tirada agabka ay diyaaraddu waday. Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli muddooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho ay si isdaba joog ah uga degayeen diyaarado sida qalab millatari.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si cad ugama hadlin diyaaradaha iyo maraakiibta la sheegay inay sidaan agab millatari, taas oo dhalisay hadal-heyn iyo walaac siyaasadeed. Siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal amni ayaa su’aalo ka keenay ujeedka iyo waqtiga keenista qalabkan, iyagoo ku baaqay in shacabka loo caddeeyo qorshaha iyo istiraatiijiyadda amni ee la xiriirta.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda marka ay ka hadlayaan arrimaha amniga waxay marar badan ku celceliyeen inay dagaal kula jiraan kooxda Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo bulshada rayidka ah ayaa sheegaya in xilligan aanu muuqan dagaal ballaaran oo si toos ah u socda.

Dalka Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, qalabaynta, iyo taageerada dhismaha hay’adaha amniga. Labada dal ayaa leh iskaashi millatari oo soo jiray sanado badan.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradaha ay khusayso oo faahfaahinaya sababta rasmiga ah ee qalabkan loo keenay iyo sida loo adeegsan doono. Bulshada ayaa indhaha ku haysa jawaabta dowladda ee ku aaddan arrintan.