Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Kuwait ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in dhowr diyaaradood oo dagaal oo Mareykanu leeyahay ay ku burbureen gudaha dalkaasi, hase yeeshee dhammaan shaqaalihii saarnaa ay ka badbaadeen, iyadoo xiisadaha ka aloosan Galbeedka Aasiya ay sii kordhayaan.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Kuwait ayaa sheegay in dhowr diyaaradood oo milatari oo Mareykan ah ay shil galeen horaantii maanta, balse uu xaqiijiyay in dhammaan shaqaalihii saarnaa ay badbaado qabaan. Ciidamada ayaa warkaasi ku baahiyay barta bulshada ee X.
Mas’uulkan ayaa xusay in si degdeg ah loo bilaabay howlgallo baadigoob iyo samatabixin ah, kuwaas oo lagu soo daadgureeyay shaqaalihii diyaaradaha saarnaa, isla markaana loo qaaday isbitaallo si loogu sameeyo qiimeyn caafimaad iyo daryeel. Wuxuu intaa ku daray in xaaladdooda caafimaad ay deggan tahay.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta Kuwait ay si toos ah ula shaqeeyeen ciidamada Mareykanka si loo qiimeeyo duruufaha shilka, loona qaado tallaabooyin farsamo oo wadajir ah. Baaritaanno ayaa weli socda si loo ogaado sababta rasmiga ah ee keentay shilka, iyadoo afhayeenku ku boorriyay dadweynaha inay ku ekaadaan oo keliya xogaha rasmiga ah.
Bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga Kuwait ayaa soo baxay saacado kaddib markii wakaaladda wararka dowladda Iiraan ee (IRNA) ay sheegtay in diyaarad dagaal oo nooca F-15 Eagle ah oo Mareykanu leeyahay lagu soo riday gudaha Kuwait subaxnimadii Isniinta. Wakaaladdu waxay soo xigatay ilo maxalli ah, iyadoo faafisay muuqaal ay ku sheegtay inuu muujinayo diyaaradda oo soo dhacaysa. Sheegashadaasi weli si madaxbannaan looma xaqiijin.
Dhacdadan ayaa imaneysa iyadoo uu sii fidayo khilaafka gobolka, kaas oo ka dhashay dilkii Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei , kadib weerarro wadajir ah oo ay fuliyeen Israa’iil iyo Mareykanka dhammaadkii toddobaadka.






