Diyaarado siday ciidamo gaar ah oo ka socday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa hawada laga celiyay, xilli ay ku soo wajahnaayeen magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixisay amarka lagu joojinayo diyaaradahaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay go’aankan degdegga ah.
Wararka la helayo ayaa sidoo kale xaqiijinaya in diyaarado rayid ah oo ka soo duulay Kismaayo iyaguna lagu amray in ay dib u laabtaan, taasoo sababtay jahwareer iyo walaac soo wajahay rakaabkii saarnaa iyo shaqaalaha garoomada.
Ciidamadan la celiyay ayaa la sheegay in ay u socdeen sugidda amniga Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la filayay in ay Muqdisho yimaadaan si ay uga qeyb galaan Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Ilaa hadda wax war rasmi ah kama soo bixin Dowladda Federaalka, Jubbaland ama Puntland oo ku saabsan dhacdadan, balse arrintan ayaa si weyn u muujinaysa xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada.
Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah iyo war rasmi ah.






