Doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya ku guuleysatay Drs Maryan Qaasim Axmed, kadib tartan adag oo ay la gashay musharraxiin kale.

Xilka Guddoomiyaha waxaa u tartamayay:

Drs Maryan Qaasim Axmed (guuleysatay)

Dr Cumar Cabdulle Calasow

Farxaan Maxamed Jimcaale (oo tanaasulay kahor wareegga ugu dambeeya)

Doorashada ayaa lagu tilmaamay mid xasaasi ah, iyadoo warar hoose ay sheegayeen in Villa Soomaaliya ay taageero siinaysay Dr Cumar Cabdulle Calasow, balse ay ugu dambeyn codadka uga adkaatay Drs Maryan Qaasim.

Ka qeybgalayaasha doorashada ayaa sheegay in hanaanka uu u dhacay si hufan, islamarkaana uu muujiyay rabitaanka xubnaha guddiga.

Shaqooyinka Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka waa hay’ad madax-bannaan oo dastuurku qeexay, waxaana ka mid ah waajibaadkiisa:

Ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

La socodka iyo baarista xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

La-talin siin Dowladda Federaalka iyo hay’adaha kale ee ku saabsan shuruucda iyo siyaasadaha xuquuqda aadanaha.

Ka warbixinta xaaladda xuquuqda aadanaha gudaha dalka.

Wacyigelin dadweyne iyo kor u qaadista fahamka bulshada ee xuquuqda aadanaha.

La shaqeynta hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Drs Maryan Qaasim ayaa la filayaa in ay horseeddo xoojinta madaxbannaanida guddiga, kor u qaadidda isla xisaabtanka, iyo in si dhab ah wax looga qabto cabashooyinka la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalka.