Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa Xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Kullanka oo ay qeyb ka ahaayeen khubaro labada dhinac ka socotay ayaa looga hadlay horumarinta iyo dardargelinta dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga Soomaaliyeed, si loo helo sal sharci oo aas-aas u noqda arrimaha ganacsiga dalka. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray dejinta hannaan sharci oo ku aaddan xallinta murannada iyo khilaafaadka ganacsi iyo sameynta maxkamado u gaar ah arrimaha ganacsiga.

Waxaa hoosta laga xarriiqay in Wasaaradda Cadaaladda qaadato doorka dhismaha maxkamadahaas iyo dejinta habraacyada sharci ee lagu maamuli doono, halka Wasaaradda Ganacsiguna ay soo dhameystiri doonto xeerarka lagama maarmaanka u ah ganacsiga iyo ilaalintiisa.

Ugu dambeyn, waxaa leysla gartay in la magacaabo guddi howleed farsamo oo ka kooban labada Wasaaradood, si ay u diyaariyaan hanaankii lagu hirgelin lahaa arrimahaas.

Yoonis Duraan Cali