Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in haddii uu dagaal ku soo qaado Mareykanka, saameyntu aysan ku koobnaan doonin Iiraan oo keliya, balse ay gaari doonto gobolka iyo dunida oo dhan.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in laga fogaado hadallo iyo tallaabooyin hurin kara colaado cusub.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli uu madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, sheegay inuu Iiraan siiyay muddo 10 maalmood ah si ay u oggolaato wada-hadal.

Trump marar badan wuxuu ku adkeeyay in Iiraan ay miiska wada-hadalka timaaddo, isagoo sidoo kale ka digay cawaaqib ka dhalan kara haddii aan xal diblomaasiyadeed la gaarin.

Haddii xiisad militari ay ka dhex qaraxdo Iiraan iyo Mareykanka waxaa saameyn ku yeelan kara amniga Bariga Dhexe.

Sicirka shidaalka adduunka ayaa si weyn u kici kara.

Ganacsiga caalamiga ah iyo isu-socodka maraakiibta (gaar ahaan marinnada muhiimka ah sida Badda Cas iyo Gacanka) ayaa khalkhal gali kara.

Dalal badan ayaa lagu qasbi karaa inay qaataan mowqif siyaasadeed.

Hadalka Iiraan wuxuu u muuqdaa digniin iyo fariin diblomaasiyadeed oo ku wajahan Mareykanka iyo beesha caalamka, iyadoo labada dhinac ay wali isku hayaan arrimo la xiriira nukliyeerka iyo cunaqabateynta.