Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa laga waayay liiska madaxda ay Dowladda Qatar uga mahadcelisay garab istaagga ay muujiyeen kaddib xiisaddii amni ee ka dhalatay weerarrada uu Iiraan ku qaaday dalalka gobolka.

Arrintan ayaa timid maalin kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu shaaca ka qaaday inuu si buuxda u garab taagan yahay Dowladda Qatar, isagoo sheegay in uu khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalkaas, Tamim bin Hamad Al Thani. Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay la dareemayso walaaca iyo dhibaatada ka dhalatay duqeymaha ay geysatay Iiraan.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wada hadalka Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar uu diiradda saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga amniga, gaar ahaan marka la eego xaaladda cakiran ee gobolka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taagan tahay saaxiibadeeda caalamka marka ay la kulmaan xaalado adag.

Dhanka kale, Dowladda Qatar ayaa soo saartay war ay ugu mahadcelineyso dalal iyo madax kala duwan oo muujiyay taageeradooda. Si kastaba ha ahaatee, liiska la shaaciyay laguma arag magaca Madaxweynaha Soomaaliya, arrintaas oo dhalisay hadal heyn iyo falanqeyn ku saabsan sababta ka dambeysa maqnaanshahaas.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Qatar oo sharaxaya sababta magaca Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ugu jirin liiska madaxda loo mahadceliyay. Sidoo kale, Madaxtooyada Soomaaliya kama aysan hadlin arrintan si gaar ah.