Diyaarad militari oo nooca C-17 Globemaster ah, isla markaana ay leedahay Dowladda Qatar, ayaa mar kale maanta soo caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaaraddan ay sido agab militari, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin nooca, tirada iyo ujeeddada qalabka la keenay.
Soo degista diyaaraddan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo xiriirka iskaashi ee dhanka amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, kaas oo si gaar ah diiradda u saaraya tababarka, qalabaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dowladda Qatar ayaa horey uga mid ahayd saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Dowladda Qatar oo si faahfaahsan uga hadlaya sababta rasmiga ah ee safarkan militari.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee qalabka la keenay, iyadoo dadka qaar ay ku fasirayaan in ay la xiriirto dadaallada lagu xoojinayo ammaanka guud ee dalka.






