Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarrada dambiyeed ee ay Kooxda Rapid Support Forces (RSF) ku qaadeen xarumo rayid ah iyo kolonyo gargaar oo ay leeyihiin Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kuwaas oo ka dhacay gobollada North Kordofan iyo South Kordofan ee dalka Sudan.

Weerarradan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah, taasoo sii kordhisay xaaladda bini’aadannimo ee horeyba u liidatay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falalkan ay yihiin xadgudubyo culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada (International Humanitarian Law) iyo dhammaan heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah ee lagu ilaalinayo dadka rayidka ah iyo hay’adaha gargaarka.

Soomaaliya waxay si cad ugu baaqday RSF in ay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada, isla markaana ay gutaan waajibaadkooda sharci iyo mid akhlaaqeed ee ku aaddan ilaalinta dadka rayidka ah, fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo si ammaan ah oo aan shuruud lahayn, kana soo dhalaalaan heshiiska Jeddah Declaration on the Protection of Civilians in Sudan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda adag ee ay ku taageerayso midnimada, madaxbannaanida, amniga iyo xasilloonida Sudan, waxayna taageertay dhammaan dadaallada goboleed iyo kuwa caalami ah ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka socda dalkaas.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay ka digtay khatarta ka dhalan karta faragelin kasta oo dibadeed oo sii hurin karta colaadda, isla markaana sii dheereyn karta dhibaatada bani’aadannimo ee haysata shacabka walaalaha ah ee Sudan.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo ku qoran kuuqada Ingilishka