.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhaqan gelisay nidaamka cusub ee ETA (Electronic Travel Authorization) laga bilaabo 15-ka Febraayo 2026, taasoo noqonaysa tallaabo cusub oo lagu xakameynayo socdaalka caalamiga ah iyo gelitaanka dalka.
ETA waa Oggolaanshaha Socdaalka Elektaroonigga ah, dukumiinti elektaroonik ah oo safarka ka hor lagu dalbado si loo xaqiijiyo xogta iyo ujeeddada qofka doonaya inuu Soomaaliya u safro. Codsiyada ETA waxaa laga dalbanayaa internet-ka, waxaana lagu ansixiyaa ka hor inta qofku uusan diyaaradda raacin.
Dhaqan gelinta nidaamka ETA waxa ay ku soo beegantay iyadoo Soomaaliya horay u hirgelisay nidaamka e-Visa, kaas oo ah fiiso elektaroonik ah oo lagu siinayo oggolaanshaha sharci ee gelitaanka dalka. Marka labadaba la wada isticmaalo:
e-Visa waxay sharci ahaan kuu oggolaanaysaa inaad dalka gasho,
ETA waxay xaqiijinaysaa sharci-galnimada safarka ka hor intaanad duulin.
Nidaamkan cusub ayaa ka dhigaya in dadka doonaya inay u safraan Soomaaliya ay hadda u baahan yihiin labada oggolaansho, e-Visa iyo ETA, si loo hubiyo ammaanka iyo nidaamka socdaalka.






